R/W Xamza oo u dhoofay dalka Mareykanka Ujeedka

xamse bare



 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdo Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo ku sii jeeda dalka Maraykanka
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa magaalada New York uga qayb-galaya shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Xamza ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu uga hadli doono waxa Soomaaliya uga qabsoomay ahdaafta dhinaca horumarka ee Caalamku degsaday gaar ahaan dhimista Faqriga, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Nabadda iyo Amniga, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga oo xooggan iyo isbeddelka cimillada.

Sidoo kale wuxuu sheegi doonaa in weli Soomaaliya ay ku taagan tahay jidkii dib u soo kabashada, isla markaana ay dooneyso in laga taageero dib u dhiska dalka, gaar ahaan ciidamada qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka iyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee mudada dheer saarneyd

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeelan doono Xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud ee QM, Madaxda Dowladda Mareykanka iyo Qaar ka mid ah Madaxda wufuudda kale ee Caalamiga ah ee ka qaybgalaysa shirka Q.M.

Post a Comment

0 Comments