Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday mooshin ku aadan xarigga Jeneraal Sheegow oo weli u xiran dowladda, kadib markii bishii hore lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta guddoomiyay kulankii maanta ayaa qabtay mooshinka wuxuuna sheegay in xildhibaanada qaar ay dalbadeen in lagu soo daro ajendaha.“Xildhibaano ayaa waxa ay soo jeediyeen mooshin ka hadlaayo Jeneraalkii xirnaa, marka arrintaas ayaa idin ogeysiinayaa ee ajendaha noo ansixiya” ayuu yiri Aadan Madoobe.
Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana metala Jeneraalka lasoo xiray, wuxuu meesha ka akhriyay ujeedada mooshinka ay kasoo diyaariyeen arinta Jeneraal Sheegow Axmed Cali.
0 Comments