Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka

Golaha shacabka


Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel Mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo maray aqrintiisi sadexaad.


Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo cod gacan taag ah la geliyay ayaa waxaa ka aamusay 4 xildhibaan, waxaa diiday 3 xubnood, waxaana oggololaatay 135 sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BFS, Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo maanta guddoominayay kulanka golaha shacabka.


Wasiirka Maaliyadda  XFS Biixi Iimaan Cige ayaa golaha Shacabka uga mahad celiyey ansixinta Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna sheegay in hindisahani uu tiir weyn u yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Post a Comment

0 Comments