DAWLADA FADARAALAKA SOMALIYA IYO MARAYKANKA OOMAANTA KALA SAIIXDAY HESHIIS KU KA AYA 92$ MILYAN
Dowladda Soomaaliya oo Dowladda Mareykanka la saxiixatay Heshiis Horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya.
Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka ayaa dowladda Soomaaliya u saxiixay Heshiiskaan halka dowladda Mareykanka uu u saxiixay Sii hayaha xilka safiirka dowladda waddankaas.Heshiiskaan deeqda ah wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliva kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada.
Waa fursad aad iyo aad u fiican, waa fursadii labaad ee wax ka saxiixno, sanadkii hore 78 Milyan ayaa lagu caawiyay dowladda Soomaaliya, ayada oo u isticmaalaysay barnaamijyadii lagu taageerayay dadkeena Soomaaliyeed waxaana aad iyo aad looga caawiyay arrimaha abaaraha iyo taakuleynta u baahnayeen,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene.Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas waxay qiimo weyn ugu fadhisaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, dowladda Mareykanka oo ku-simaha safiirka halkaan nala fadhiyo aad ugu mahad-celinaynaa, qaasatan USAID howlaha ay Soomaaliya ka wadana waa u mahadcelineynaa oo markasta waxay kor usii qaadeysa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka
0 Comments