SHIRKI TODOBAAD OO SHIRGUDOOMINYAY MADAXWYNE XASAN SHEEKH

XASAN SHEEKH

 Shirkii todobaad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Dusmareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug 26-27-August-2023, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ka qeyb galay. Wasiir Xamza Cabdi Berri, ku xigeenkiisa, Saalix Axmed Jameh, madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshebili iyo Koonfur Galbeed.Jubbaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ay weli gacanta ku hayaan Al-shabaab, soo celinta amniga iyo xasilloonida deegaannada laga saaray iyo sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa bulshada ku dhaqan deegaannadaas.
Goluhu wuxuu bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ka gaareen xoreynta deegaannada maamulka Galmudug ee

bartamaha dalka, xilliyada ay socdaan howlgallada ciidan.

Goluhu wuxuu isku raacay in howlgallada ciidanku ay noqdaan kuwa waafaqsan istiraatijiyadda qaranka ee lagula dagaalamayo Khawaarijta iyo isku xirka howlaha hay’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo hoosta ka xariiqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, loona baahan yahay in la garab istaago dadaallada dib u xoreynta iyo qorshaha. iyo hoggaankii hawlgallada xoraynta oo la mideeyey lana ballaariyey.

Post a Comment

0 Comments