Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Juma Al-Rumaythi.
Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in Wasiir Doodishe iyo Danjire Axmed ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinaca amniga.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa bogaadiyay garab istaagga dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada ay la garab taagan tahay heer kasta.
0 Comments