Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka muujisay sida ay uga xun tahay Qaraxii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koofurta Magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay tacsi tiiraanyo leh u direyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay dhibaatadan xanuunka badan, waxayna u rajeysay dhammaan kuwa dhaawaca ah in caafimaad degdeg ah uu siiyo.
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale Cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xaqiijisay in Imaaraadku uu cambaareynayo fal dambiyeedka sidoo kalena diiday dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada iyo argagixisanimada ee ujeeddadoodu tahay in ay khalkhal galiyaan amniga iyo xasilloonida oo ka hor imaanaya qiyamka iyo mabaadi'da aadanaha.
0 Comments