Madaxwayne xasan Sheekh Maxamuud oo wada hadal furan ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku taabtay xiriirka labada dal ee ku qotoma taariikhda, wuxuuna dib ugu laabtay horraantii todobaatameeyadii ee qarnigii tagay, isagoo taabtay dhacdooyin ku haray xusuusta iyo sidoo kale taariikhda.
Wuxuu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu goob joog u ahaa booqashadii uu Soomaaliya ku yimid hogaamiyihii geeriyooday ee Imaaraatka Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan.
Waxa uu intaa ku daray in uu la kulmay Marxuum Sheekh Zayid oo uu ku wehliyo Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaa, General Maxamed Siyaad Barre, uu kula kulmay Iskuullada Dowladda ee ku yaalla Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in Imaaraadka ay Soomaaliya siiyeen deeqo muhiim ah xilligii dowladdii dhexe ee burburtay 1991-kii, gaar ahaan dhismaha Somali Airlines.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in Imaaraadku uusan marnaba ka tagin Soomaalida, haddii ay barwaaqo tahay iyo haddii ay dhibaato jirto, isagoo tilmaamay in isu soo dhawaanshaha labada dal uu ku yimid xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatiiji ah.
Sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya, Imaaraadku wuxuu ka mid yahay tiirarka ugu waaweyn ee dagaalka argagixisada si xididdada loogu siibo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada xagjirka ah.
Waxa uu ku micneeyay in Imaaraadka ay ku bixiyeen qarashka ku baxa tababarida iyo qalabeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee gacanta ku haya amniga caasimadda, isagoo xusay inay sii wadayaan bixinta mushaaraadka ciidamadeena oo aan wax magdhow ah laga siin.
Waxa uu ka digay in sinaba aysan u aqbali doonin in la naceysiiyo xiriirka adag ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna carabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulkiisa ay ku jirto in aan dhib la’aan iyo in laga shaqeeyo danaha Soomaaliyeed.
Bini’aadanti ahaan, Imaaraatka Carabta waxaa lagu tiriyaa taageerayaashii ugu horreeyay ee Soomaaliya soo mara soddonkii sano ee la soo dhaafay.
0 Comments