Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya iyo Midowga Afrika ka taageerto la dagaallanka argagixisada iyo sidii nabad iyo xasillooni loo heli lahaa, iyadoo dhanka kale cambaareysay weerarka ay kooxda argagixisada “Al-Shabaab” ku qaadeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee la keenay Soomaaliya.
Ergayga Joogtada ah ee Imaaraadka Carabta u jooga Qaramada Midoobay ayaa qoraal ay shalay ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka waxa ay ku yidhaahdeen: “Imaaraadku waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee loo soo diray Soomaaliya (ATMES), waxaanu tacsi u diraynaa qoysaska dhibanayaasha, dowladda iyo shacabka Uganda, waxaana u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa dhaawaca ah."
Waxay intaas ku dartay, "Imaaraadka Carabta wuxuu weli sii wadaa taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo sidii nabad iyo xasillooni loogu heli lahaa shacabka Soomaaliyeed."
0 Comments