Imaaraadka Carabta waxay gacan ka geysaneysaa la dagaalanka argagixisada Soomaaliya

  

Imaaraadka iyo soomaaliya

Isutaga Imaaraadka carabta waxa ka goan inay taageeraan dawlada Soomaaliya si loo adkeeyo dhismaha dawladnimadeeda loona helo madax-bannaani wanaagsan oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed, horena loogu socdo mustaqbalka, oo nabad iyo xasillooni ay saldhig u tahay iyo xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada waddan iyo dadkooda.


Intaas waxa dheer taageerada dhaqaalaha ardayda Soomaaliyeed iyo bixinta deeqaha waxbarashada jaamacadeed, maadaama dawladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay dhakhaatiir, injineero iyo xirfado kale oo dawladnimo dhismaysa muddada soo socota.


Imaaraadku waxay sidoo kale xoogga saarayaan qorshaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada iyo tayeynta ciidamada, waxayna ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa awoodda Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale waxa ka go’an in ay kala shaqeeyaan inay meesha ka baxdo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.


 Imaaraadku waxa ay ku jiraan kaalinta koowaad ee taageerada   bini’aadantinimo  ee Soomaaliya ee heerka Carabta iyo heerka caalamiga ahba isla markaana waxay hadda ku wajahan yihiin meel aan ka fogayn arrimaha bini_aadantinimada, oo ah dhinaca amniga iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Post a Comment

0 Comments