xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya oo sii xoogaysanaya

Imaaraadka iyo soomaliya


Imaaraadku  wuxuu taageeraysaa sidii ay xukuumada Soomaaliya ay xoogga u saarto la dagaallanka argagixisada, tayeynta iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.


Sanadihii la soo dhaafay Imaaraadku waxa uu Soomaaliya ka ciyaarayay kaalin weyn oo dhanka ciidamada ah iyo kuwa bini’aadantinimo, iyaga oo dadaal dhab ah u galay dhismaha hay’adaha amniga. UAE waadalka kaliyah ee maantey somaliya si aad ah u tageeraayo


Imaaraatka Carabta ayaa kaalinta koowaad kaga jira kaalmada bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee heer Carab iyo heer caalam waxayna hadda ku wajahan yihiin meel aan ka muhiimsanayn arrimaha bini’aadantinimada oo ah dhanka amniga iyo la dagaalanka argagixisada.


Imaaraadka Carabta waxay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerayaan la dagaalanka argagixisada, dhisidda awoodda, iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.


  Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya  waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo taariikhi ah oo ku dhisan is ixtiraam Imaaraatka Carabta ayaa ah ku dhawaad​​dalka kaliya ee soo bilowday in ka badan 25 sano ka hor si uu uga shaqeeyo sugida xasiloonida iyo amaanka Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments