Madaxa Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Mucalim Cabdale ayaa uga mahad celiyay Safaaradda Imaaraadka Carabta kaalmada ay soo gaarsiisay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadda wabiga Shabeelle ee ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Imaaraadka Carabta ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee gurmad raashin ah u fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne oo sababtay barakaca kumanaan qof oo guryahooda ka barakacay.
Waxaa xusid mudan in Soomaalida sanadihii ugu dambeeyay ay la ildaranayeen abaaro is-daba-joog ah iyo fatahaado ka dhashay isbeddelka cimilada, magaalada Beledweyne ayaa muddo dheer ka mid ahayd magaalooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen.
0 Comments