Dawlada Imaaraadka waxa ka goan inay taageeraan Soomaaliya si loo adkeeyo dhismaha dawladnimadeeda loona helo madax-bannaani wanaagsan oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed, horena loogu socdo mustaqbalka, oo nabad iyo xasillooni ay saldhig u tahay iyo xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada waddan iyo dadkooda.
iyadoo la taageerayo dhaqaalaha ardayda Soomaaliyeed iyo bixinta deeqaha waxbarasho ee jaamacadeed lana rajaynayno in la kordhiyo, maadaama dawladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay dhakhaatiir, injineero iyo xirfado kale oo dawladnimo dhismaysa muddada soo socota.
Dawlada Imaaraadku waxay kale oo xoogga saaraysaa qorshaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada iyo tayeynta ciidamada, waxayna ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa awoodda Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale waxa ka go’an in ay kala shaqeeyaan inay meesha ka baxdo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale Dawlada Imaaraadku waxa ay ku jiraan kaalinta koowaad ee taageerada bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee heerka Carabta iyo heerka caalamiga ahba isla markaana waxay hadda ku wajahan yihiin meel aan ka fogayn arrimaha bini_aadantinimada, oo ah dhinaca amniga iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.
0 Comments