MAXAY KAWADA HADLEEN XASAN SHEEKEH IYO QAAR KAMIDAH HAWEENKA SOMAALIYEED.

XASAN SHEEKH



  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaasi, isaga oo qaabilay qaar kamid ah xubnaha ururka Haweenka Soomaaliyeed oo booqasho ugu tegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulankan ku helinayay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyi galinta Bulshada ee Madaxtooyada.

Howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ee ka la kulmay 
Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb u tegay garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ku booriyay haweenka dalka in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay joogaan xubnaha kooxda.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab.


Post a Comment

0 Comments