Madaxweynaha somalia, xasan sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay isugu Tegaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo, si ay u yeeshaan wada-hadallo gaar ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni ay ku kulmi doonaan magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo, si ay uga wada-hadlaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka ah iyo Puntland.
Warar aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in haatan madaxweynaha Puntland uu ku maqan yahay dalka Imaaraadka, balse todobaadkan gudihiisa uu ka dagi doono magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay isku arki doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadda jooga magaalada Dhuusamareeb oo uu tegay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
0 Comments