Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray magaalada “Aadan Yabaal

xasan sheekh

Madaxweynaha jamhuuriyada fadaraalka somaaliya mudane xasan sheekh maxamuud oo mudooyinkii udanbeeyay halagan culus lawada ciidanaka qaranka ayaa qorshihiisu uu yahay kana goantahay inuu amniga dalaka uu suguo gabi ahaanba waxaanu hadba magaalo kadagayay malaamihii udanbeeyay.

 Aadan Yabaal – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray magaalada “Aadan Yabaal” ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, isagoo ka yimid magaalada “Maxas” ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Booqashada Madaxweyne Maxamuud Aadan Yabaal oo ujeedadeedu tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa howlgallada ciidamada ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Godlaawi” iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxyidiin.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada waxaa lagu wadaa in uu la kulmo taliyeyaasha ciidamada iyo dagaalyahanada deegaanka ee ka qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo soo bilowday bishii August ee sanadkii hore.

Post a Comment

0 Comments