Sabtidii, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, si uu ugu kuur galo habsami u socodka shaqada ee halkaasi ka socota.Berri oo la kulmay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo shaqaalaha wasaaradda gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ku dadaali doonto sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dhisayaan ciidamo kala wareegaya waajibaadka sugidda amniga ee ciidamada AMISOM marka ay dhamaadaan. ka bixitaanku wuxuu dhamaanayaa dhamaadka sanadka soo socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si faah faahsan u taabtay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u midaysan yihiin sidii dhibaatada looga saari lahaa argagixisada. Berri waxa uu ku micneeyey in ciidanku yahay laf-dhabarta dhismaha qaranka, taas oo muujinaysa in xukuumaddiisu ay dabooli doonto baahiyaha kala duwan ee ciidanka qaranka si loo helo ciidamo awood u leh difaaca dalka.
0 Comments