Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya iyo Imaaraadka


Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka  Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.


Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.


Safiirka Dowladda  Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka soo dhaweynta loo sameeyay.


Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac  ayaa ka dalbaday dowladda Imaaraadka Carabta inay laba jibaarto taagerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments