Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku heshiiyey sameynta guddi nooc cusub ah

 

Soomaaliya iyo Imaaraadka

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaith.


Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka , sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe.


Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo hormarinta ku socota ciidamada Soomaaliya oo hadda tababarro ku qaadaya dalal kala duwan.


Post a Comment

0 Comments