Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay shirka amniga, oo looga hadlay dardargelinta sugidda amniga guud ee dalka, ciribtirka kooxaha argagixisada , shuruucda hortebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Somaliya.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira hawlgalada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka, wejiga labaad ee hawlgalada dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada iyo qorshaha qaran ee ka hortagga fekerka xagjirka ah, oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.
Shirka ayaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaalanka fekerka xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda.
Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska ay argagixisada ku hayso, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, iyada oo la diyaarinayo shuruucdii hageysay amniga.
0 Comments