Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya oo qaabilay Madaxweynaha Jubaland


Safiirka imaaraadka iyo ahmed madoobe

Safiirka  Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Jumaa Al-Rumaythi ayaa maanta oo Khamiis ah qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”.


Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka Imaaraadka iyo dowlad goboleedka Jubaland iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada.


Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay dalka Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inay garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments