Man City Oo Xasuuqday Liverpool Guul Soo Laabasho Leh-na Ka Gaadhay Reds.

Man city and liverpool


Kooxda Man City ayaa xasuuqday Liverpool   kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.


Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood u ciyaareen si fiican bilowgii ciyaarta.


Man City ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Liverpool difaac ku jirtay isla markaas ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.


Liverpool ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.


Man City ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta waxana ay ku qaadayeen Liverpool weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.


Daqiiqadii 27-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Julain Alvarez kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro.


City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarada xilli Liverpool khal-khal dhinaca daafaca ah ku dhacay.


Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican sidoo kale wax walba ka samaysay ciyaarta.


Qaybtii dambe ayay City si dar-dar leh ku bilaaabatay waxana ay raadinayeen in ay ciyaarta dilaan isla markaas iska ilaaliyaan bar-baro.


Daqiiqadii 46-aad ayay dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.


Daqiiqadii 53-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ilkay Gundogan kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 isla markaas hurdo u diray ciyaarta.


Wiilasha Pep Guardiola ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka xilli ay Klopp kooxdiisu niyad jabtay.


Daqiiqadii 74-aad ayay Man City dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jack Grealish kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.


Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City xasuuqday Liverpool guul weyna ka gaadhay siina waday cadaadiska ay ku hayso Arsenal.

Post a Comment

0 Comments