Xiddiga kooxda PSG iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa wali sii wada wacdaraha uu u dhigayo xulka qarankiisa iyo waliba kooxdiisa.
Inkasta oo uu ku guulaystay koob kasta oo suurtagal ah xulkiisa iyo waliba kooxihii uu u soo ciyaaray Hadana Messi ayaa wali sii wada ciyaarista.
Messi oo 35 jir ah ayaa kulan kasta 90-ka daqiiqo ciyaara marka uu u ciyaarayo xulka qarankiisa Argentina waana arin ka duwan marka ay xiddiguhu noqdaan kuwo da’ ah.
Sida aan aragnay xiddigo badan oo kubada cagta ah marka ay gaadhaan da’da qaar waxa ay go’aansadaan in ayna kulamo badan u ciyaarin xulalkooda iyaga oo awooda saaray dhinaca kooxaha.
Laakiin Messi ayaa ka duwan sidaas waxana uu Messi daqiiqad kasta ciyaaraa kulamada xulkiisa isaga oo aan xitaa ogolaan in la badalo inta uu u ciyaarayo xulkiisa.
Caawiyaha tababaraha xulka xulka qaranka Argentina ee Pablo Aimar ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Messi daqiiqad kasta ugu ciyaaro xulka qarankiisa.
Aimar oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Messi waxa uu ka fikirayaa in uu jiro qof halkaas mar oo kaliya u yimid in uu si toos ah daawado isaga oo ciyaaraya”.
“Sidaas darteed Messi waxa uu mar walba u ciyaaraa kulamada xulkiisa in uu rumeeyo riyada qof kasta oo laga yaabo in uu garoonka u yimid halkaas mar si uu u daawado isaga oo ciyaaraya”
0 Comments