Messi & Ronaldo Oo Laad Xor Ah Isugu Jawaabay Kulamadii Xulalkooda.

Messi & Ronaldo


Xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo  ayaa wali u muuqda kuwo sii wada xafiiltankii ay wadeen sanadiii ugu dambeeyay.


Labada xiddig  ayaa mar kale isugu jawaabay garoonka dhexdiisa kadib markii ay u kala ciyaareen xulalkooda Argentine iyo Portugal.


Cristiano ayaa ku horeeyay waxana uu xulkiisa ku hogaamiyay guul 4-0 kaga badiyeen Liechtenstein wareegii koowaad ee isreebreebka Euro 2024.


Ronaldo ayaa xulkiisa u dhaliyay gool laad xor ah oo cajiib ah kaas oo uu xoog kaga dhaliyay Goolhayaha xulka Liechtenstein.


Waxa ku xigay xidiga Lionel Messi kaas oo xulkiisa ku hogaamiyay guul kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen xulka Panama.


Messi ayaa si qurux badan u dhaliyay laad xor ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii dambe ee ciyaarta isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay guul 2/0.  

Post a Comment

0 Comments