Cristiano Ronaldo ayaan codkiisa ka dhiiban abaalmarinta FIFA The Best inkasta oo kabtanada xulalku codeeyeen.
Xiddiga 38 jirka ah oo kabtan u ah xulka qaranka Portugal ayaa codkiisa ka dhiiban xiddiga ku guulaysanaya abaalmarinta inkasta oo uu kabtan u yahay xulka Portugal.
Badalka Ronaldo waxa codka Portugal ku codeeyay xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara ee Pepe kaas oo codsiisa siiyay xiddigaha, Mbappe, Benzema iyo Modric.
Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka kadib markii uu ku garaacay xiddigaha Mbappe iyo Benzema.
Ronaldo ayaa laakiin ah midka sida weyn loo hadal hayo maadama uu iska indho tiray in uu ka codeeyo xaflada iyo xiddiga ku guulaysan kara.
0 Comments