Saddexleydii Uu Cristiano Ronaldo U Dhaliyay Kooxdiisa Al-Nassr.

 

Ronaldo

Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada wacdarihii uu ka dhigayay horyaalka Sucuudiga kadib saddexley kale oo uu dhaliyay.


Ronaldo ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn oo 3/0 ah kulan ka Tirsanaa horyaalka Sucuudiga iyaga oo ka badiyay kooxda Damac.


Saddexleydan ayaa ah markii 2-aad ee uu saddexley ka dhaliyo horyaalka Sucuudiga tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii January.


Cristiano Ronaldo ayaa mar kale muujiyay in uu dhalin karo goolal waxana uu dhaliyay goolkiisii 8-aad ee horyaalka Sucuudiga tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.

Post a Comment

0 Comments