Kaalinta Imaaraadka Carabta ee qorshaha laga damacsan yahay ciidanka DF

soomaaliya iyo Imaaraadka

Waxaa si weyn u soo ifbaxay kaalinta dowladda Imaaraadka   Carabta ee qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku kordhineyso ciidanka kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tababar dalka Uganda ugu soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahad-celiyay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ayadu bixisay kharashka ku baxay tababarka ciidankaas, waxayna arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada.

Xasan ayaa sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

“Waxaan rabaa in halkan uga mahad-celinaya walaalaha Jamhuuriyada Carabta ee midowday ee Imaaraat, oo iyaguna qeyb ka qaatay in maanta meeshaan soo istaagtay oo diyaar la ah in garab istaag noocaas ah ay Soomaaliya ku garab istaagaan, waa wax weyn oo dalal badan oo caalamka jooga aysan noo qaban,” ayuu yiri.

Post a Comment

0 Comments