Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka ayaa xusay marxaladihii ay soo martay hawada Soomaaliya.
Xamza ayaa sheegay in maalintani ay fursad u tahay
Xamza ayaa sheegay in maalintani ay fursad u tahay in la milicsado dadaallada waaweyn ee Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-soo-nooleynta duulista rayidka Tan ayuu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay kobaca dhaqaalaha dalka, soo celinta xasilloonida, iyo muujinta awoodda qaranka ee dhisidda kaabeyaasha muhiimka ah.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2023-kii gaartay heerka
Soomaaliya ayaa sanadkii 2023-kii gaartay heerka A ee Warlalisyada Duulimaadyada (Air Navigation Services), taas oo ah heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah, kana tarjumaya horumar ballaaran oo laga sameeyay badqabka, adeeg bixinta, iyo waafaqidda hab-raacyada ICAO Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay sameysay xeerarka caalamiga ah ee amniga duulista rayidka, taas oo kordhisay kalsoonida shacabka gudaha iyo tan caalamiga ah.
Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday talaabooyin lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka dalka, iyadoo bishii Sebteembar ee Sanadkaan dalka laga hirgeliyay habka ogolaanshaha socdaalka ee (eTA) Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo caalamka, iyo dhammaan bahda ku hawlan horumarinta duulista dalka.
.webp)
0 Comments