Feedhyahannada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muuqaal ay ku baahisay
Feedhyahannada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda Tiktok ku sheegtay in ay Dowladda Maraykanka u diiday dalku gal ay kaga qayb gali lahayd barnaamij si toos ah looga daawan doono Netflix oo ay kasoo qaybgalayaan feedhyahanno caan ah Ciyaarta ugu culus ayayna dhex mari doontaa feedhyahankii caanka ahaa ee hore ee labada jeer ku guuleystay biladda feedhka culus Anthony Joshue oo 36 sanno jir reer Biritan ah iyo Youtuberka isku beddelay feedhyahanka Jake Paul Ciyaartan ayaana ka dhici doonta golaha ciyaaraha ee Kaseya oo ku taala Miami.
Ciyaarta oo si toos ah looga daawan doono Netflix, wuxuu dhici doonaa 19ka December, waxaana uu ka koobnaan doonaa siddeed wareeg, midkiiba saddex daqiiqo Ramla, oo muuqaal ay duubtay ku hadlaysay, waxay sheegtay in booqashadeedii dhowaan ee Soomaaliya ay sabab u noqotay in laga hor istaago ka qaybgalka tartan lagu waday inuu qabsoomo December 19 Waxay codsatay Madaxweyneha Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan inay fuliyaan ballanqaadkoodii ahaa in loo soo saaro baasaboorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Ramla waxay sheegtay in loo ballanqaaday in ay helayso Baasaboorka Soomaaliga ah
Ramla waxay sheegtay in loo ballanqaaday in ay helayso Baasaboorka Soomaaliga ah ee diblumaasiga si'ay u booqato dalka Maraykanka ugana qayb gasho ciyaartaas Wasiiryaalka markii aan u socday Soomaaliya ayaan u sheegay, balan ay iga qaadeen Baasaboorka diblumaatiga in ay i siiyaan si ay iigu fududaato Ameerika si'aan u galo" ayay Ramla ku tiri muuqaalkii ay soo galisay barteeda
Madaxweynka, wasiiryaalka uyukoo dhan way iga ballanqaadeen, wali waa sugooyaa. Wali wax ma iisoo dhicin, hadda ma dheeli kari december 19-ka ayay sheegtay iyada oo hadalkeeda sii wadata Ramla Cali oo ah gabadh taariikh ka samaynaysa dhanka feedhka, Soomaliyana ku metalaysay ciyaaro badan oo feedhka ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleystay feer dalka Britain.
Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go'aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka 2023, waxay ka noqotay Xulka Haweenka Dunida ee shabakada Times, waxay heshiis la gashay shirkada MVP (Most Valuable Promotions) oo ah Hay'ad taageerta ciyaaryahannada feedhka waa shirkad uu dhismaheedu qayb ka yahay feedhyahanka caanka ah ee Jake Paul oo ciyaar aad loo sugayo isna ku leh Miami.
Ramla waa quwad isbeddeleed oo dunida ah
Ramla waa quwad isbeddeleed oo dunida ah, una isticmaalaysa masraxyadeeda in ay ku baaba'iso caqadaha dhiirigelinaysana habla dunida ayay qoraal ku dheheen markii ay heshiiska la galeen Ramla waxay sheegtay in ay u aaday Soomaaliya si ay u aragto dalkeeda iyo dadkeeda, waxse ay sheegtay in ay dareemayso niyad jab ka dib siday sheegtay ballankii loo qaaday oo looga baxay darteed Aniga waxaa rabay beledkeyga in aan arko, dadkeyga arko. Balankii layga qaaday markii aan Soomaaliya ka baxay waa lay hilmaamay ayay ku sheegtay muuqaalka ay soo duubtay.
Hadda waxaan dareemaya Soomaali in niyadda la iiga jabiyay ayay tiri iyada oo wajigooda murugo ka muuqato Muuqaalka ay soo dhigtay barteeda waxaa ku jiray qayb ay ku sheegtay isu-dawaheedii barnaamijkan kaas oo sheegaya in uusan hubin si fiiso loogu heli karo Waxaan rabaa in aan farriintan si toos ah kuugusoo diro, waa in aan kaa saaro munaasabadda dhacaysa 19-ka December ee Netflix, ma jirto hubanti aan fiiso kuugu heli karo" ayuu muuqaalka ku sheegay maamulaha Ramla Wax walba oo aad samayn karto si aad u xaliso mustaqbalka waa wax weyn ayuuna kusoo gunaanaday fariintiisa.
Waxaan xidhiidh la samaynay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradeeda ciyaaraha waxuuna wasiirku sheegay in arrinta Ramla sheegtay ayna waxba ka jirin Arrintaasi arrin wax ka jiraan ma aha, cid baasaboor diblumaasi u balanqaaday in ay Ramla u samaysana ma jirto, laakiin Ramla waa ciyaaryahanad Soomaaliyeed magaca Soomaaliyana mar soo meteshay," wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdiqadir Gurey ayaa sidaas u sheegay BBC Wasiirku waxuu qiray in booqashadeedii ay Mudisho ku timid Ramla ku codsatay baasaboor balse nooca ay u awoodeen ay tahay kan shaqaalaha.
Way jirtay in ay mar booqasho ku timid magaalada Muqdisho intii karaankayaga ahayd ee aan samayn karnayna waan samaynay Markay booqashada dhammaysatayna waxay codsatay baasaboor, waana u sheegnay in ciyaartooyada iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha adeegga qaranka in ay leeyahiin baasaboor nooca shaqaalaha maalinkay codsatayna aan u dalabnay" ayuu hadalka sii raaciyay Waxuu xusay wasiirku ogaanshahooda hadda in ayna jirin Ramla meel ay ku metesho Soomaaliya.
Meel ay dowladda Soomaaliya hadda ku metelayso ma ogin laakiin in ay ciyaartooy Soomaaliya tahaan ognahay, laakiin ciyaar ay dowladda Soomaaliya ka qaybgalayso iyo wax looga baahanyahay oo aan annaga ognahay ma jirto", ayuu ke celiayay wasiir Gureey Waxa uu sheegay in baasaboorka diblumaatiga aya leeyihiin diblumaasiyiinta iyo cidii kale ee uu madaxweynaha u garanayo oo kaliya.

0 Comments