Maxaa ka soo baxay wada-hadlladii Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar?

 






Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, guud ahaan xaaladda gobolka.


Sidoo kale Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa isla soo qaaday

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa isla soo qaaday heshiisyada iskaashi ee ay horey u wada galeen labada dowladood, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.


Dhankiisa Amiirka ayaa muujiyey taageerada joogtada ah 

Dhankiisa Amiirka ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Qatar u tegay ka qeyb-galka Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.


Sidoo kale, booqashadiisa ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Post a Comment

0 Comments