Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusayo
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka oo loo gaar yeelay 10-ka December Xuskan ayaa waxaa si rasmi ah u faah-furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya (XFS), Jibril Cabdirashiid XaajMunaasabaddan. Munaasabaddan ayaa waxaa sanadkan soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar ayaa ka qeyb-galayaasha la wadaagay guulihii waaweynaa ee Wasaaraddu gaartay sanadkan 2025 Guulahaas waxaa ka mid ah dib u soo celinta waajibaadka ilaalinta Xuquuqul Insaanka ee dalka ku dhawaad 30 sano kadib, meel-marinta sharciyo muhiim u ah horumarinta iyo difaaca xuquuqda aadanaha, iyo dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska, Maxamed Cismaan Naastaro, ayaa hadal jeedintiisa ku xusay Xuquuqul Insaanku waa furaha nabadda. Sanadkan Soomaaliya waxay dunida u muujisay ka go’naansheeda horumarinta arrimaha Xuquuqul Insaanka Munaasabaddan oo kulmisay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ku soo aadaysa xuska sanad-guuradii 77-aad ee kasoo wareegtay markii la aqoonsaday Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka sanadkii 1948-kii.
Soomaaliya ayaa xuskan qayb ka ahayd tan iyo sanadkii 1993-kii
Soomaaliya ayaa xuskan qayb ka ahayd tan iyo sanadkii 1993-kii. Ujeeddada xuskan ayaa ah in la muujiyo horumarinta xuquuqul insaanka, ilaalinta sarreynta sharciga, iyo dhisidda bulsho ku dhisan caddaalad iyo nabad Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Sharcigan ayaa waxaa hore u ansixiyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana saxiixa Madaxweynaha ka dhigayaa mid si rasmi ah u howl-gala Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.
Geediga dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo soo socday mudo fog ayaa ah mid muujinaya sida Soomaaliya uga dhabeyneyso horumarinta xuquuqul insaanka, taasi oo ah mid ka mid ah waajibaadka ay wasaaradda qoyska iyo hormarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii QM ee loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka xuquuqul insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar.

0 Comments