Maxamed Saalax oo laga reebay cayaar muhiim ah iyo Rooney oo si kulul uga hadlay

 





Ciyaaryahan Maxamed Saalax ayaa laga tagay

Ciyaaryahan Maxamed Saalax ayaa laga tagay, iyada oo uusan qayb ka ahayn ciyaaryahannada kooxda Liverpool ee Champions League ku wajahaya Arbacada kooxda Inter Milan Liverpool ayaa go'aansatay inay ka saarto Saalax dooqashada muddo gaaban, ka dib markii uu bixiyay wareysi qarxay Sabtidii, isaga oo sheegay inay ka tagtay'' Liverpool uuna burburay xiriirkii uu la lahaa tababare Arne Slot.


BBC Sport oo soo xiganaysa ilo ciyaareed ayaa sheegtay in go'aanka la qaatay iyada oo taageero laga haysto Slot, ayna tahay danta ugu wanaagsan ee dhammaan dhinacyada in muddo gaaban aan dookhashada ciyaartooyda kooxda lagu soo darin Saalax, sabab la xiriirta aragtidii baahday ee ciyaartooyga Waxaa la aaminsan yahay in aysan jiri doonin anshax marin toos ah oo kooxdu ay ka qaadayso ciyaartooyga.


Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney ayaa aaminsan in weeraryahanka Liverpool Maxamed Saalax uu burburinayo dhaxalkiisii quruxda badnaa ee uu ka dhistay Liverpool. Saalax ayaa sheegay Sabtidii inuu aad uga naxay in Liverpool ''dusha u saarayso isaga guul darooyinka haddi Waxa uu sheegay in xiriirkii uu la lahaa tababare Anre Slot uu burburay. Waxaana Wayne Rooney uu aaminsan yahay Arne Slot ay hadda tahay inuu awooddiisa tuso Maxamed Saalax Waxa kale oo Rooney intaa uu ku daray ''waa in laga tagaa ciyaarta Liverpool uga hor imaanayso Brighton, aynu aadno koobka qaramada Afrika, wax walbana ha soo degeen


Rooney oo ka sii hadlayay Maxamed Saalax ayaa yiri waa inuu '' xal u helaa khaladkiisa uuna nabad la qaataa Arne Slott ama isaga tagaa kooxda sida ugu dhakhsaha badan. Waxa uu intaasi raaciyay waa in xaaladdan la xaliyaa sida ugu dhakhsiiyaha badan Ciyaaryahannadii hore ee Liverpool Jamie Carragher iyo Michael Owen oo horay aad ula dhacsanaa Maxamed Saalax ayaa haatan dhabarka u jeediyay. Waxaa haatan dhabarka u jeedinaya dadkii horay ula dhacsanaa Saalax.


Muxuu Maxamed Saalax ka yiri doodda?

Maxamed Saalax ayaa sheegay in xiriirkii uu la lahaa maamulaha Liverpool Arne Slott uu burburay ''Waxa ay I galiyeen khatar,'' ayuu Saalax yiri. Waxa uu fadhiyay kursiga kaydka ciyaartii barbar dhaca ahayd ee Liverpool ay la gashay Leeda United ee ku soo dhammaatay 3:3 Ka dib ciyaartii Leeds waxa uu 33 sano jirka reer Masar sheegay ''waa iska caddahay. Waxaa jira qof doonaya inuu I saaro eedda dhammaan guul darooyinka ayuu yiri Saalax ayaa dhaliyay 250 gool 420 jeer oo uu ka soo muuqday ciyaaraha kooxda Liverpool, hadda waxa uu aaminsan yahay Ka hor, sida aan mar walba dhihi jiray, waxaan xiriir wanaagsan la leeyahay tababaraha, lama filaan, ma jiro hadda wax xiriir ah. Hadda islama sii hadalno ayuu sii raaciyay sharaxaadiisa.


Ma garanayo sababta, laakiin ma jirto cid doonaysa inay igu sii aragto kooxda Waxaan aaminsanahay kooxdu inay khatar i galisay. Oo dhammaan guul darooyinka ay i saarayso. Waa dareenkayga. Waxaa jira qof doonaya inuu igu dhaleeceeyo wax walba oo kooxda ka jira. Dhibaatada Liverpool waa Maxamed Saalax,'' ayuu yiri Waligeey waxaan ahaa mid taageeraya kooxda. Dhammaan carruurteydu waa taageerayaal. Waxaan weli ahay oo ahaan doonaa taageere Liverpool ayuu yiri Saalax.


Daacadnimadii xaalku igama daadagin. Ma awooddo in aan fahmo

Daacadnimadii, xaalku igama daadagin. Ma awooddo in aan fahmo. Uma malaynayo inay tahay dhibaato kooxdu leedahay. Wax badan ayaan ku kordhiyay kooxdan Ma ihi qof u dagaallama difaaca booskiisa maxaa yeelay waa la I siisay fursada. Kama wanaagsani qof walba. Tani waa kubbadda cagta. Tani waa sida ay tahay in ay xaaladdu u ekaato Maxamed Saalax ayaa lagu wadaa inuu Masar u ciyaaro Koobka Qaramada Afrika. Waxaana kahor ciyaarahaasi uu sii sheegay in uusan ka war qabin mustaqbalkiisa Liverpool.


Waxa uu u muuqdaa mid ka tagaya Kooxda, inkasta oo heshiiskiisii kooxda uu ka harsan yahay labo sano. Waxaana fariintiisa ay u muuqataa mid uu kula hadlayo taageerayaasha liverpool Maxamed Saalax ayaa dhaliyay 29 gool horyaalkii Premier League ee sanadkii hore ay Liverpool ku guulaysatay Si kastaba ha ahaatee, Saalax ayaa dhaliyay afar gool saddex iyo toban kulan oo uu soo muuqda xilli ciyaareedkan. Waxaana kooxda Liverpool ay u sii socotaa hoos.


Tababarihii hore ee Liverpool Klopp ayaa Saalax kala soo wareegay Roma, waxaana ay lahaayeen xiriir wanaagsan Koox ka dhisan Sacuudiga ayaa si weyn u danaynaysa Maxamed Saalax. Kooxda uu hoggaamiyo Simone Inzaghi ee Al-hilal ayaa doondoonaysa BBC sports ayaa wax ka weydiisay Liverpool haddii ay danaynayaan iibka Maxamed Saalax Markii wax laga weydiiyay sababta uu kaydka u galiyay Maxamed Saalax ciyaartii barbar dhaca ahayd ayaa sheegay si ciyaarta ay u maamulaan markii ay 3-2 ay maraysay uu go'aankaasi u qaatay.


Markii aan ku hoggaaminaynay 3-2 ayna ahayd daqiiqadii u dambaysay. Waxaynu ku soconay kaantaroolida kubbada. Waxaan is iri uma baahnidiin gool dhaliye. Markii aan u baahanahay gool, waxaan u baahan lahayn Maxamed Saalax sidii todobaadkii hore ciyaartii aan uga hornimid Sunderland'' ayuu yiri Arne Slott ayaa sheegay Jimcihii Maxamed Saalax uu yahay ciyaaryahan u baahan inuu lahaado saamayn Maxamed Saalax ayaa ah ciyaaryahanka saddexaad ee gool dhalinta taariikhda Liverpool isaga oo ka dambeeya oo kali ah Ian Rush iyo Roger Hunt. Saalax ayaa dhaliyay 250 gool intii u ciyaaray Liverpool.


Post a Comment

0 Comments