Maandooriye loo soo ekeysiiyay daawo oo maanta lagu qabtay Dekadda Muqdisho

 





Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla dekadda magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla dekadda magaalada Muqdisho, ayaa maanta gacanta kudhigay koonteenar ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya, kaa oo la sheegay in  loo soo ekeysiiyay daawooyin.


Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha Dekedda Muqdisho, ayaa sheegay in ay heleen xog sirdoon, taas oo u fududeysay in ay qabtaan maandooriyahan dekadda laga soo dejiyay.


Sidoo kale Mareeyaha Dakedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur

Sidoo kale Mareeyaha Dakedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur Americo ayaa isna sheegay in ay gacanta ku hayaan ganacsatadii ka danbeysay in uu konteenarka maandooriyaha ah uu kasoo dego dekedda magaalada Muqdisho.


Maareeyaha Dekedda iyo Afhayeenka ciidanka Booliiska, ayaa si wada jir ah digniin adag ugu diray dadka ku howlan in dalka ay soo galiyaan daawooyin iyo raashin dhacay iyo sidoo kale waxyaabaha maanka-dooriyada ee sida qarsoodiga ah dekadda loo soo galiyo.


Post a Comment

0 Comments