Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulankoodii caadiga ahaa
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay axdi cusub oo durbaba dhaliyay dood xooggan, kaas oo ay ku kala aragti duwanaadeen xildhibaannada Axdiga la meel mariyay ayaa ah Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Barbaarinta Carruurta, kaas oo dhawaan kasoo gudbay Golaha Wasiirradaa Soomaaliya.
Xildhibaannada oo dood adag ka yeeshay ayaa markii dambe codeyn ku ansixiyay axdigaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada loo gudbiyay Illaa 130 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 10 Mudane, 5 Xildhibaan oo kale ayaa ka aamusay, waxaana sidaas ku ansaxay Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Barbaarinta Carruurta oo hadda usii gudbaya Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Saadaam oo kamid xubnaha diidan axdigan ayaa sheegay
Xildhibaan Saadaam oo kamid xubnaha diidan axdigan ayaa sheegay inuu ka hor imaanaya diinta Islaamka, isla markaana ay ku jiraan qodobo halis ah, sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul-wasaare Xamze oo na dhahayey Siyaasadda inaa ku janno tago ayaan usoo galay maanta xafiiskiisa waxaa soo maray sharci dhahaya cunugga yar ee aan qaan-gaarin Diinta uu rabo ayuu qaadan karaa ayuu xildhibaan Saadaam oo kasoo horjeestay sharciga.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay Annaga oo dood sharci qaba ayaa guddooomiyuhu ansixii ku dhuftay, waana wax laga xumaado oo sharci darro ah, waxayna hormuud u tahay sharciyada ay rabaan inay ansaxsadaan oo uu ugu horreeyo dastuurka
Dhankeeda, Xildhibaan Sareeda Cabdalle ayaa taageertay
Dhankeeda, Xildhibaan Sareeda Cabdalle ayaa taageertay meel marinta Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Barbaarinta Carruurta, waxayna ku dooday inuu muhiim u yahay carruurta Soomaaliyeed Dalkeenna waa muslim asalna waxaa u ah diinta Islaamka, balse waxaa rabnaa in ilmaheenna ay la jaan qaadaan kuwa Afrika iyo adduunka, wixii qaldan oo annaga dhaqankeenna ahayn waa la sixi karaa” ayay iyaduna tiri Xildhibaan Sareeda.

0 Comments