Aadan Madoobe oo ballan qaad culus ka hor sameeyay Xasan Sheekh

 




Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Kalfadhigga 7-aad ee Baarlamaanka labadiisa gole

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Kalfadhigga 7-aad ee Baarlamaanka labadiisa gole, waxaana furay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shiraan xildhibaannada Soomaaliya.


Madaxweynaha oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay kulanka ayaa si weyn u bogaadiyay shaqada Baarlamaanka, waxaana uu si gaar ah uga mahadceliyay dhameystirka dastuurka.


Lixdii Kalfadhi ee Baarlamaanka waxa uu runtii qabtay shaqooyin badan oo lagu dhiirragelinayo sida Dhammaystirka Dastuurka, dedaalladii daynta lagu cafiyay, taaba-gelinta hay’adaha lagama maarmaanka ah iyo howlo badan oo taariikhda xusi doonto ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa ballan qaad culus ka hor sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay in Baarlamaanku gudan doono waajibaadkiisa, uuna dardargelin doono howlaha horyaalla.


Aadan Madoobe ayaa xusay in hadda golaha uu go’aan ka gaari doono 4 hindise sharciyeed oo muhiim ah iyo 4 heshiis oo ay soo gudbisay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.


Kulankeenna maanta waxa uu astaan u yahay billowga gudashada waajibka ina horyaalla, waxaana gudanaynaa waajibaadka naga saaray howlaha naloo igmaday, goluhu waxa uu ansixiyay 7 hindise waxaana horyaalla 4 hindise sharciyeed 4 heshiis” ayuu yiri Aadan Madoobe.


Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in Kalfadhigan laga sugayo in Baarlamaanku dhammeystiro dastuurka dalka, caddeeyo maqaamka Muqdisho, sidoo kalena uu dhiso golaha garsoorka sare ee dalka.


Qorshaha Kalfadhiga 7aad ee Aqalka Sare waxaa horyaalla meelmarinta dhammaystirk Dastuurka, dhismaha Golaha Garsoorka sare, Maqaamka Muqdisho, Shuruucda la horkeenno aqalkaan oo aan ka talo gelino Dowlad-Goboleedyada” ayuu isna yii Cabdi Xaashi.


Kalfadhigan 7-aad ee maanta furmay ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana jira guux wayn oo ku aadan mooshin la sheegay in xildhibaannada ay ka wadaan Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo laga abaabulay magaalooyinka waa wayn ee Muqdisho iyo Nairobi


Post a Comment

0 Comments