Weerar yahanka Kenya ku dhashay ee Cabdi Muya Salim
Weerar yahanka Kenya ku dhashay ee Cabdi Muya Salim oo u ciyaara kooxda Orlando City ee Mareykanka ka dhisan ayaa looga wacay xulka qaranka Soomaaliya si uu uga qeybgalo is reebreebka cayaaraha Koobka Adduunka.
Soomaaliya ayaa ku jirta qeybta G ee is reebreebka 2026 Fifa World Cup iyadoo isku boos kula jirta dalalka Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique, iyo Botswana. Waxay xulka Soomaaliya cayaar adag la dheeli doonaan Algeria taariikhdu marka ay tahay November 13.
Weeraryahankan ayaa ku tababaran doona xero ku taalla dalka Morocco si uu isugu diyaariyo is reebreebka. Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay u yeerteen 22 jirkan, iyagoo barahooda bulshada ku shaaciyay.
Hambalyo Cabdi Salim, oo looga wacay Ocean Stars markii ugu horreysay
Hambalyo Cabdi Salim, oo looga wacay Ocean Stars markii ugu horreysay. Liiska wuxuu ka kooban yahay 33 cayaartoy maalmaha soo socda ayaana lagu dhawaaqi doonaa," ayaa lagu yiri qoraal ay kooxdu soo dhigtay barta Instagram. Macallinka xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa Axaddii soo saaray liiska ciyaartoyda Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah iyo is reeb reebka koobka adduunka.
Macallinka xulka qaranka ee dhashay dalka Marooko lguna magacaabo Rashid Lousteque ayaa liiska kusoo daray laacibkii da’da yaraa ee Cabdixafid, iyadoo liiska sidoo kale laga reebay laacibka dhowr mar oo hore kasoo muuqday ciyaaraha caalamiga ah ee qaranka Anwar Shakuundha.
Muran badan ayaa ka dhashay in liiska laga dhex waayay Shakuundha iyadoo uu kamid yahay ciyaartoyda taageerada badan ku leh gudaha dalka. Salim wuxuu ku dhashay magaalada Nairobi, Kenya, wuxuuna sanadihii hore noloshiisa ku qaatay xerada Dhagaxley ee deegaanka Dhadhaab, halkaas oo qoyskiisu ay degganaayeen kahor inta uusan dhalan.
Sanadkii 2003, waaliddiinta Salim ayaa dal ku gal ka helay Mareykanka
Sanadkii 2003, waaliddiinta Salim ayaa dal ku gal ka helay Mareykanka kaddibna halkaas ayay degee. Hammiga iyo xiisaha uu cayaaraha u hayay Salim waxay ka bilaabatay dalka Mareykanka wuxuuna markii ugu horreysay u saftay naadiga dhalinyarada ee Delaware SC sanadkii 2013.
Sanadkii 2018, waxaa shaqaaleysiiyay kooxda Empire United ee fadhigoodu yahay magaalada Rochester, halkaasoo uu kantan ka ahaa Machadka Horumarinta ee cayaartoyda ay da’doodu ka yar tahay 17 iyo 19.
Sanadkii 2019, wuxuu bilaabay xirfaddiisii cayaaraha ee kuleejkiisa, Buffalo State Bengals, oo qyeb ka ah Jaamacadda Buffalo State. Wuxuu mar dambe ku biiray kooxda Syracuse Orange kahor inta uusan u cayaarin USL League Two bishii May 2022 Wuxuu kaddib ka mid noqday 2023 MLS Super ee Orlando City taasoo sare u qaadday xirfaddiisa.
0 Comments