Madaxweynaha Dowladda jubbaland Ahmed Mohamed Islaam
Madaxweynaha Dowladda jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, Bulshada Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubaland,
Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay maalmahii u dambeeyay.
Qoraal uu saaray Axmed Madoobe ayuu ku bilaabay sidatan
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, Bulshada Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubaland, Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay maalmahii u dambeeyay.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland
Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada.
Wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, kuna dadaalayay in uu dadka isu keeno.Waxaan Allah uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskii, ehelkii, bulshada reer Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
0 Comments