Qaxooti ilaa Tababare kooxeed: Waayaha Macallin Miron Muslic oo Liverpool ka soo afjaray koobka FA Cup-ka

 




Tababaraha kooxda heerka labaad ee Ingiriiska Plymouth Miron Muslic ayaa gaaray

Tababaraha kooxda heerka labaad ee Ingiriiska Plymouth Miron Muslic ayaa gaaray wax ay dad badan oo kubada cagta ah u maleeyeen inaysan macquul aheyn ka dib markii uu kooxdiisa ku hoggaamiyey guul weyn oo ay ka gaareen kooxda ugu sarreysa horyaalka Premier League ee Liverpool ciyaar ka tirsanayd FA Cup-ka.


Gool ku laadkii ama rigooradii Ryan Hardie, ayaa ku filnaatay inuu xaqiijisto wareega afaraad iyagoo ku ciyaarayo garoonkooda Home Park Axadii. Waxay noo ahay maalin la yaab leh annaga, waxaan u sheegay ciyaaryahanadayda inay ku raaxaystaan, hadda waxaan qayb ka nahay taariikha Argyle, ayuu yiri Muslic. Dhammaanteen waxay noo tahay maalin weyn, si uun waxaan dareemayaa inaan u qalano maalintaan.


Anigu hadal la'aan ayaan ahay, caadiyan, waxay ii sheegaan inaan ahay aftahan, waa daqiiqad faan ah, waa maalin weyn Marka la barbardhigo sheekada bilawga nolosha tababare Muslic, garaacistiisa kooxda lixdka jeer ku guulaysatay horyaalka Yurub ee champions league ee Liverpool ayaa laga yaabaa inay dareemayso fudayd.


Tababare Muslic ayaa xilka tababarnimo kala wareegay halyeeygii Ingiriiska Wayne Rooney bishii hore

Tababare Muslic ayaa xilka tababarnimo kala wareegay halyeeygii Ingiriiska Wayne Rooney bishii hore. Muslic, ayaa sanadkii 1992-kii, isagoo sagaal jir ah, lagu qasbay inuu ka cararo magaaladii uu ku dhashay ee Bihac ee dalka Bosnia.


Waxay ka baxeen waqtigii ugu habboonaa. Bishii Juun 1992, hal ama laba bilood ka dib markii qoyska Muslic uu ka tagay Bihac, magaaladaasi waxay gashay qalalaase seddex sano ah oo ay hoggaaminayeen ciiamadii Serbiyiinta intii uu socday dagaalkii sokeeye ee xumaa. Waxaan ka baxday Bosnia iyo Bihac, magaalaydii Runtii xiili habeen ah, anangoo alaabtayada iy wixii an awoodnayba gacmaha ku sidana," ayuu si xoog leh ugu sharaxay BBC Sport.


Halkaa ayay safarkayagii, ama noloshayadii cusub, ka bilaabmatay."


Muslic, walaashiis iyo waalidkii waxay u qaxeen meel 400 mayl (650km) u jirta halkii ay ka soo carareen oo ah Innsbruck oo ku taalla Austria iyaga oo aan wax fikrad ah ka haysan waxa ay heli doonaan mana awoodin in ay ku hadlaan luqadda lahjadda Jarmalka ee maxaliga ah, taas oo gaar ahaan ay adagtahay in la fahmo. Waan ku dhibtoonnay nolosheenna oo dhan, qaybtan halgankana waa qayb ka mid ah safarkayga, waana sababta aan had iyo jeer u ahaado mid rajo leh oo aad u wanaagsan," ayuu yiri Muslic.


Waxa aan ku jiray xaalado aad u adag oo noloshayda ah intii aan noqon lahaa tababaraha kooxda oo aan wajahayo bar-baro suurtagal ah ama guuldarada todobaadka Taasina sidoo kale waa fariinta aan rabo inaan si joogto ah ugu gudbiyo ciyaartoyda, in noloshu ay tahay halgan la yaab leh oo qurux badan, mar walbana waxaa jira wax mudan in loo dagaalamo.


Wax fudud aniga, ama qoyskeyga ama walaashay ma jirin, waxaan noqonnay qaxooti

Wax fudud aniga, ama qoyskeyga ama walaashay ma jirin, waxaan noqonnay qaxooti, mana ahan wax qurux badan, laakiin waligey ma dareemin inaan wax tabayay noloshayda. Waalidkay aad ayay isugu dayeen inay na siiyaan waxyaabaha aan u baahanahay - aabahay wuxuu shaqeeyay in ka badan 30 sano oo mudalab ah, hooyaday waxay ahayd haweeney nadaafadda ka shaqaysa, waxayna aad isugu dayeen inay na siiyaan nolol wanaagsan.


Dhammaan waxyaalihii dhacay 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay iga caawiyeen inaan noqdo qofka aan maanta ahay oo aan sidoo kale gaaro waxyaabo aan suurtagal ahayn. Laakiin ma jiraan wax aan macquul aheyn haddii aad si dhab ah u aaminsan tahay, haddii ay ka gonaato, haddii aad ku qanacsan tahay iyo haddii aad si dhaba u aadoo, dhab ahaantii si buuxda."


Waa sidaas aaminaaddaas iyo ka go'naaanshahaas ay Argyle tuseen inay ka badin karaan Liverpool kuwaas oo meel sare ku dhammaystay kooxaha horyaalka yrurub iyo iyagoo lix dhibcood o ku hoggaaminaya horyaalka Premier League intii maamulayo Arne Slot. Marka lagu daro wuxuu sidan fiican ku bilowday iyadoo difaacisii wanaagsanaa Lewis Gibson, iyo weerarkiisa qaybta hore Morgan Whittaker, ay ka tageen intii lagu jiray xilliga suuqa kala iibsiga.


Laakiin, sida noloshii hore ee Muslic ee Austria, caleemaha soo kabashada ayaa si fiican uga soo bixi kara isaga hoostiisa kooxda Argyle. Xiisaha Muslic waa mid cad qof kasta oo la kulmo. Waa nin indhihiisu bir yihiin laakiin aad u diirran oo soo dhawayn leh, awoodna u leh in maamulo qolka si uu qofkasta ka arki karo muuqaalka marka ugu horreysa ee la hadlayo ciyaartooyada kooxdiisa Argyle.


Waxaas oo dhami waxay ka turjumayaan raadraaciisa Waa qeexida qofka aan ahay maanta tababare ahaan, laakiin tan ugu muhiimsan, qofka aan ahay maanta bani'aadam ahaan, ayuu ka yiri noloshiisii hore. Haddii aan eego qolka labiska ee Argyle, waa wiilal ka yimid adduunka oo dhan, wayna shaqeysaa," ayuu yiri. Haddaba qiyaas adduunku inuu yahay qolka labiska; waxay ahaan lahayd meel wanaagsan oo la joogo.


Post a Comment

0 Comments