Maxaa helay macallinkii West Ham ee la filayay in uu maamulo xulka qaranka Ingiriiska?

 





Graham Potter waxaa loo arkayay tababare meel sare joogo

Graham Potter waxaa loo arkayay tababare meel sare joogo, xitaa waxaa la filayay in lagu badelo Gareth Southgate, maamulaha xulka qaranka England. Hadda mustaqbalkiisa ma wanaagsana. Muddo gaaban ayaa looga eryay Chelease iyo West Ham.


West Ham waxay shaqada ka cayrisay Potter markii uu la joogay sideed bilood. Naadiga oo aan heer fiican joogin ayaa keentay in loo dhiibo. 19 kulan oo horyaalka ingiriiska uu dheelay naadiga ayuu la joogay. Afar jeer ayaa laga badiyay shan ciyaar. Chelsea waxay shaqada ka soo erisay kaddib toddob bilood oo uu la joogay.


Potter wuxuu sheegay in uu dhibane u yahay Xaalad xun" oo ka taagneyd Chelsea. Markii la magacaabay waxay ku soo aaday xili naadiga uu yeeshay milkiilayaal cusub kuwaas oo shaqada ka eryay Thomas Tuchel, kaddibna isaga magacaabay Potter waa tababare khabiir ah oo naadiga Brighton waqtigii loogu talogalay ku dhisay. Wuxuu ku shaqeeyay jawi wanaagsan kaas oo suuragal uga dhigay in uu naadiga dhiso.


Balse markii uu yimid Chelsea, naadiga wuxuu soo qaatay ciyaartoy badan

Balse markii uu yimid Chelsea, naadiga wuxuu soo qaatay ciyaartoy badan. Kooxda waxay noqotay mid balaaran oo xitaa qolka dharbadalashada uu qaadi waayay in ay hal mar wadagalaan. Tani waxay muujineysaa in ay howshu noqotay mid faraha ka baxday oo aan la maareyn kareyn. Dhibaatadaas iyo natiijada oo hooseysay darteed ayaa keentay in Chelsea ay shaqada ka eryaan sanadkii 2023-kii


Brighton oo aheyd naadi habeysan oo deggan ayuu ka soo tagay, wuxuuna yimid Chelsea oo ku jirtay xaalad jahawareer ah taas oo ka dhigtay shaqadiisa mid aan suuragal aheyn Potter waxa uu ciyaaray 25 kulan, lix ka mid ah ayuuna guul helay ilaa markii uu xilka kala wareegay Julen Lopetegui. Taageerayaasha naadiga marna ma jecleyn.


Go'aanka ay West Ham ku erisay Potter waa uu uga xanuun badan yahay kii ka horeeyay ee Chelsea. Markii shaqada laga joojiyay Chelsea waxaa jirtay in la fahamsanaa sababta ay taas ku dhacday. Xiligaas waxaa jiray jahawareer dhinca milkiilayaasha cusub Todd Boehly iyo Behdad Eghbali Hada xaalka sidaa ma ahan. Potter wuxuu sugayay 637 ka hor inta uusan maamulka ku soo laaban. Si fiican ayuu uga fakaray tallaabada xigta, waxa uuna aaminsanaa in West Ham ay tahay naaadiga ugu fiican uu guul ka gaari karo.


Balse halkii uu ka farxi lahaa joogista West Ham waxa uu kala kulmay xanuun iyo dhibaato horseeday wax ka duwan filashada in badan. waqtiga go'aanka la gaaray ma ahan mid caadi ah. 24 saac ayaa ka soo wareegatay markii ay naadigu u sheegeen in uu kala hadlo warbaahinta ciyaarta xigta ay la yeelanayaan Everton.


Potter ma ahan kan kaliya ee lagu eedeynayo dhibaatada West Ham

Potter ma ahan kan kaliya ee lagu eedeynayo dhibaatada West Ham. Taageerayaasha waxay sidoo kale ka careysan yihiin guddoomiyaha naadiga David Sullivan iyo ku xigeenkiisa Karren Brady. Qaar ka mid ah taageerayaasha mudahaarad ayey dhigeen Potter si tartiib ah ayuu sare ugu socday. Waxaa loo yaqaanay in uu yahay qofka dhisa naadiyada ee ma aheyn qof degdeg ku xaliya dhibaatooyinka.


Naadiga Ostersund ee Sweden ayaa si fiican loogu bartay kaddibna waxa uu noqday maamulka naadiga Swansea bishii June ee sanadkii 2018. Horumarkiisa ayaa soo jiitay Brighton Brighton waxay u aheyd Potter meel fiican. Milkiilaha Tony Bloom iyo madaxa farsamada Dan Ashworth waxay abuureen jawi dulqaad iyo qorsheyn.


Brighton wuxuu gaarsiiyay in ay gaarto kaalinta sagaalaad horyaalka Ingiriiska. Markii uu aaday Chelsea waxay ay Brighton joogtay booska afaraad Dhibaatada ugu weyn ee Potter uu wajahay ayaa aheyd in uu ka tagay Brigthon oo aheyd naadi dulqaad iyo aaminaad lagu dhisay, wuxuuna aaday Chelsea oo wax walba ay ka duwanaayeen.


Difaacii hore ee Ingiriiska, Martin Keown, ayaa BBC-da u sheegay, "Potter hadda dhow ayuu Chelsea la joogay. Wuxuu noqon karay maamulaha xulka qaranka Ingiriiska. Bal eeg hadda mustaqbalkiisa shaqo iyo saamiga guulaha Chelsea iyo West Ham. Hadii uu shaaqo ka helo horyaalka Ingiriiska, aad ayey muhiim ugu tahay taas".


Potter marna guulo badan kama gaarin horyaalka Ingiriiska. 120 kulan uu la joogay Brighton wuxuu guuleystay 34, waxaana laga badiyay 42. Heerkiisa guusha waa 28 boqolkiiba. Markii uu Chelsea la joogay heerka guushiisa waxay aheyd 32 boqolkiiba, 7 jeer ayuu guulestay halka West Ham uu guulesytay oo kaliya lix jeer taas ah oo ah 26 boqolkiiba.


Cidna ma oga meesha xigta uu aadayo Potter. Waxaa suuragal ah in uu aado naadi dibadda ah halkaas oo laga jecel yahay qaabka loo dhiso naadiga. Fakarka ah in uu aado naadi kale oo ka dheela horyaalka Ingiriiska hadda waxay u muuqataa mid aan suuragal aheyn Guuldaradiisa West Ham waxay ka dhigan tahay in uu si weyn hoos ugu dhacay maadama uu ka hadli jiray in uu maamule u noqdo xulka qaranka Ingiriiska.


Post a Comment

0 Comments