Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u cambaareeyay weerar maanta ciidanka dowladda ku qaadeen garoonka Horseed ee degmada Hodan, halkaas oo ciidanka dowladda doonayeen in ay xoog ku barakiciyeen shacabkii deganaa.
Weerarka ciidanka dowladda saakay ku qaadeen garoonka Horseed, ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dagaalamayay iyo dad shacab ah, dadka qaarkood ayaa rasaas wiifto ah ugu tagtay xaafado fog fog.
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka ay maanta
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka ay maanta dowladdu ku qaadday qoysaska danyarta ah ee ku nool garoonka ay Kooxda Horseed ee Ciidamada Qalabka-sida ku lahayd degmada Hodan. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto dadkii ku geeriyooday, una boogadhayo intii ku dhaawacantay ayuu yiri Kheyre.
Kheyre ayaana nassiibdarro weyn ku tilmaamay in ciidankii loo diyaariyay
Kheyre ayaana nassiibdarro weyn ku tilmaamay in ciidankii loo diyaariyay ilaalinta shacabka in Madaxweyne Xasan Sheekh maanta u adeegsanayo leynta shacabka, iyo barakicinta, waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha in uu degdeg u joojiyo boobka dhuleed uu wado.
Waxaa ayaandarro ah in Ciidankii Qaranka ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaalayo laynta shacabka iyo barakicinta danyarta. Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu degdeg u joojiyo boobka dhulka dantaguud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadweynaha danyarta ah” ayuu yiri Kheyre.

0 Comments