Dowlada Somalia oo xarun Safaarad cusub ka furatay Algeris

 




Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, dalka Aljeeriya.


Munaasabadd Kooban oo ka dhacday dhismaha cusub ee xarunta Safaarada

Munaasabadd Kooban oo ka dhacday dhismaha cusub ee xarunta Safaarada waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta caalamiga ah, oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego


Furitaanka safaaradda ayaa qeyb ka ah

Furitaanka safaaradda ayaa qeyb ka ah socdaalka rasmiga ah ee Wasiir Cabdisalaam uu ku joogo Aljeeriya (9–11 Agoosto), taas oo muujinaysa dadaalka labada dal ee ku aaddan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.


Post a Comment

0 Comments