Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare
Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare ayaa ku dhiirigeliyay Soomaalida UK joogto in ay kaalin ka qaataan sidii looga hortagi lahaa xildhibaanada u ololeeya gooni isutaaga Somaliland.
Raysalwasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsanayd kaalinta qurbajoogta Soomaaliyeed ee garab istaagga dowladda iyo taakuleynta ciidanka dalka ayaa sheegay in qurbajoogtu ay door weyn ku leeyihin xukuumadiisa.
Hadal uu ka jeedinayay munaasabadda ayuu raysalwsaaraha ka sheegay in qurbajoogta looga baahan yahay in ay kaalin weyn ka qaataan midnimada.
Waddanka aad joogtaan xildhibaano ka mid ahi, maalin walba waxay u taagan yihiin in ay ku dhawaaqaan Soomaaliya hakala go'do, xageed jirtaan marka, maxaad qabaneysiin" ayuu yiri raysalwasaare Xamsa oo intaas ku daray, Waxaan rabnaa, hal maalin hadaad soo baxdaan oo aad dhahdaan arrintaa ma aqbaleyno, xildhibaankaas mar dambe kuma noqonayo mana sameynayo" ayuu yiri.
Raysalwasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay qurbajoogtii
Raysalwasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay qurbajoogtii uu hadalka u jeedinayay in ay adeegsadaan codkooda si ay uga hortagaan xildhibaanada baarlamaanka UK ee taageera in Somaliland la aqoonsado. Waxaad joogtaan wadamo sharci leh, qeynuun leh oo ilbax ah, qofka codkiisa iyo gacantiisa ay macno leeyihiin, waxaan rabnaa in codkiina iyo gacantiina aad dalkiina iyo midnimadiina ku difaacdaan.
Raysalwasaare Xamsa ayaa sheegay in jaceyl u qabaan Somaliland dartiis aysan dooneyn in ay gooni ka ahaato Haka gabannina walaalaheena reer Somaliland waa jecel nahay, jaceyl aan jecelnahay darteed ayaan diidanahay in ay naga go'aan, sidaa darteed kama xishooneyno, kama yaxyaxeyno, kama gambaneyno in aan dhahno inta leh hala kala go'o waad khaldan tihiin
Dhanka kale, Sharma'arke Cali Abyan waxaa uu ka tirsan yahay dhaqdhaaq lagu magacaabo UK Somaliland Alliance oo u ololeeya in Somaliland la aqoonsado, waxa uuna qabaa in ololahooda ka xoog badan yahay wax kasta oo ka horjeeda.
Marka kowaad waxay ka turjumeysaa taas, in xaggan UK ay reer Somaliland ku awood bateen, waxayna tusaale u tahay howsha weyn oo dadka reer Somaliland ee UK deggan qabanayaan, waxay tusaale kale u noqneysaa in reer Somaliland ay ku xiran yihin xilhidbaanada Ingiriiska jooga" Sharma'arke ayaa BBC-da u sheegay in ololahooda uu yahay mid aan lacag lagu bixin oo dadka laga iibiyo qadiyadda Somaliland.
Dhibaato uma keeneyso, mushkiladda haysta Soomaaliya waxa weeye, way la yaabaan dadka marka ay Somaliland taageeraan, waxayna yiraahdaan Somaliland way soo iibsatay, dhaqaale ayey ku bixiyeen, laakiin dadka adduunka jooga waxay u taageeraan Somaliland qadiyaddeeda ayey aaminsan yihin, sharci ahaan waa mid cad" ayuu yiri.
Sharma'arke ayaa sheegay in hadalka raysalwasaaraha Soomaaliya uusan waxba u dhimeyn balse uu taageero weyn u keenayo. Dadka marka loo sheego Somaliland iyo wixii ka dhacay, markiiba way taageerayaan, waxaana filayaa in hadalkan raysalwasaaraha uu u soo jiidayo Somaliland dad kale oo badan oo taageersan" ayuu yiri Sharma'arke oo intaas ku daray.
Reer Soomaaliya waa in ay ku mashqulaan howlahooda
Reer Soomaaliya waa in ay ku mashqulaan howlahooda, waa in ay ku mashquulaan la dagaaalanka Al-shabaab, haddii ay isku mashquliyaan Somaliland waxba uma hagaagayaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka UK ayaa taageersan in Somaliland ay hesho aqonsi caalami ah, waxayna inta badan keenaan baarlamaanka doodaha lagu taageerayo Somaliland.
Baalamaanka UK ayaa hore dood dheer uga yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland. Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand. Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.
Xildhibaanada kale ee UK kuwaas oo taageersan in Somalialnd la aqoonado waxaa ka mid ah Stuart Polak, oo ah siyaasi Ingiriis ah iyo mudane ka tirsan aqalka duqayda ee dalka ayaa dood ay yeesheen goluhu oo ku saabsaneed siyaasadda dibadda ee Ingiriiska hore uga hadlay arrin la xiriira Somaliland iyo Soomaaliya.
Wuxuu u soo jeediyay golaha in muhiimada ay leedahay in aqoonsado didaalka Somaliland ay ku bixineyso si ay qayb uga qaadato horumarka gobolka Balse waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in wax badan ay is badaleen tan iyo markii dawladda Ingiriiska aqbashay in ay jirto Soomaaliya mid ah.
Dunida waa ay is badashay, horay ayay u socotay tan iyo markiiaan aqbalnay nidaamka hal Soomaaliya oo dhashay sanadkii 19961 dii. Haatana waxaa la joogaa waqtigii aan anaguna nidaamkeena badali lahayn ayuu yiri Polak oo hadal ka jeedinayay golaha dhexdiisa.

0 Comments