Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska qarsoodiga ee la sheegay inuu galay dowladda Sweden, si loo soo celiyo Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaas Warsaxaafadeedka ayaa waxaa si buuxda loogu beeniyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiska qarsoodiga ah ee la sheegay inay wada galeen labada dowladood, kaas oo muhiimaddiisu tahay gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida horay loogu sheegay warbixinno warbaahineed oo si weyn u baahay
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeymaha loo jeediyay
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeymaha loo jeediyay xukuumadda DanQaran ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uusan jirin qorshe lagu soo celinayo Soomaalida-Sweden Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona laheyn. Ma jirto heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qaybinta gargaarka horumarineed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha.
Waxaa kale oo bayaankan lagu caddeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu yahay mid soo jireen ah, oo ku dhisan shuruucda caalamiga ah Dhammaan wada shaqeynta iyo wada-xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daahfuran, iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah
Ugu dambeyn, xafiiska ayaa sheegay in guud ahaan mashaariiicda horumarineed iyo howlaha gargaarka loo maro hannaan sharciyeysan iyo nidaam daah-furan oo ay kamid yihiin, Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, iyo hannaanka xisaabaadka ee dowladda Dhammaan gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya la siiyo waxaa lagu maamulaa, lana marsiiyaa qaabab daah-furan oo ay kamid yihiin, sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay, iyo hannaanka xisaabaadka ee dowladda dhexe (Country System) ayaa lasii raaciyay.
Dhankeeda, dowladda Sweden ayaa horay u beenisay in lacago gargaar ah
Dhankeeda, dowladda Sweden ayaa horay u beenisay in lacago gargaar ah oo Soomaaliya loogu tala galay la leexiyay oo la gaarsiiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kadib markii warbaahinta Swedish-ka ay kashiftay heshiis sir ahaa oo isku beddelasho muhaajiriin iyo gargaar ku saabsanaa, kaasoo horseeday khilaaf diblomaasiyadeed oo bilo socday oo dhexmaray Stockholm iyo Muqdisho.
Wasiirka Horumarinta Sweden, Benjamin Dousa, ayaa ku adkeystay in gargaarka Sweden la xaqiijiyay ammaankiisa lana marsiiyay Qaramada Midoobay, balse aan si toos ah loo siin siyaasiyiinta Soomaalida Wax lacag ah ma aysan aadin xafiiska ra’iisul wasaaraha – waligeedna miiska lama soo saarin in si toos ah loo taageero siyaasiyiinta,” ayuu Dousa u sheegay barnaamijka Morgonstudion ee telefishinka SVT.
Beenintan ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.

0 Comments