Ciidanka xoogga oo soo dhaweeyay Ibraahim Cimran oo AS kasoo baxsaday

 





Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Ibraahin Yuusuf Nuur Muxumed (Cimraan) , oo muddo sanado ah oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ee dagaalka adag kula jirta ciidanka dowladda Soomaaliya.


Ninkan kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab ayaa waxaa soo dhaweeyay

Ninkan kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab ayaa waxaa soo dhaweeyay ciidanka xoogga dalka uu isku soo dhiibay, waxa uuna ninkan dhallinyarada ah oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan, go’aansaday in uu kasoo baxo kooxdii uu katirsanaa iskuna soo dhiibo ciidanka dowladda.


Ibraahim Cimraam, ayaa sheegay in muddo ah uu katirsanaa kooxda

Ibraahim Cimraam, ayaa sheegay in muddo ah uu katirsanaa kooxda arxanka daran ee Al Shabaab, waxa uuna xusay in uu iskiis u go’aansaday in kooxdaasi kasoo tago, maadaama uu dareemay in diinta ka been sheegayaan dadka shacabkana dhibaato ku hayaan.


Wiilkan kasoo baxay Al Shabaab, ayaana sheegay in uu go’aansaday in uu cafiska dowladda ka faa’iideesto kana soo baxo duurka, waxa uuna saaxiibadiisa kale ee katirsan Al Shabaab ugu baaqay in ay kasoo baxaan kooxdaasi iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda.




Post a Comment

0 Comments