Madaxweyne Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Francesca Di iyo Henk Jan

 





Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.


Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey

Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay wadashaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.


Dhankooda Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey

Dhankooda, Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha dowladda Soomaaliya qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.


Post a Comment

0 Comments