Jabuutaawi oo xabsiga Laascaanood la dhigay kaddib waaran loo jaray

 




Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa sheegaya in goordhaw xabsi kuyaalla magaaladaasi la dhigay ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo caan ka ah deegaannada Khaatumo horey loo oran jiray.


Ganacsadaha waxaa xabsiga geeyay Garaadka beesha uu ka dhshay

Ganacsadaha waxaa xabsiga geeyay Garaadka beesha uu ka dhshay ee Jaamac Siyaad  Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo xubno kale oo la socday, kaddib waaran soo qabasho ah oo horey loogu jaray ganacsade Maxamed Jabuutaawi.


Saraakiil katirsan booliiska maamulka Waqooyi Bari

Saraakiil katirsan booliiska maamulka Waqooyi Bari , ayaa la wareegay ganacsade Maxamed Jabuuti markii saldhigga la geeyay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ganacsadaha oo loo heesto kiis dil ah la horgeyn doono caddaaladda.


Ganacsade Maxamed Jabuuti, ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lagaa kiis dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay in ganacsadaha lagu qanciyay in saldhigga is geeyo si kiiskan xal loogu helo.



Post a Comment

0 Comments