Sirdoonka Soomaaliya oo saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab ku dilay deegaan u dhaw Ceelbuur

 





Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.


Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda 

cAl Shabaab  oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah.


War kasoo baxay Hay’adda NISA

War kasoo baxay Hay’adda NISA , ayaa lagu sheegay in ay wali ku raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur, kuwaa ay tilmaameen in uu ku socdo dabagal xooggan.


Sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya saaxibadda caalamka , ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay weerarada lala beegsanayo goobaha ay ku dhuuntaan maleeshiyaadka Al Shabaab iyo madaxdooda.


Post a Comment

0 Comments