Golaha Wasiiradda maamulka Jbubbaland ayaa maanta shir ay yeesheen
Golaha Wasiiradda maamulka Jubbaland, ayaa maanta shir ay yeesheen waxa ay uga hadleen xaalada colaadeed ee ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan duullaanka ay ciidamo ka maar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya kula wareegeen degmada Balad-Xaawo.
War-saxaafadeed laga soo saaray shirka Golaha Wasiiradda Jubbaland uu guddoominayay Madaxweyne Axmed Madopobe, ayaa lagu sheegay in colaada dowladda Federaalka ka hurineyso gobolka Gedo, halis ugu jiro in uu ku fido dalalka dariska ee Kenya iyo Itoobiya.
War-saxaafadeedka Madaxtooyada Jubbaland shirka kasoo saartay ayaa u qornaa sida tan
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo qulqulatooyinka sii kordhaya ee ay hurinayaan Taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud,
kuwaas oo ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro deegaanada xuduudka ku teedsan ee gobolka Gedo, taas oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka
Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanka, iyadoo tilmaantay in qorshaha cusub ee Taliska Xasan Sheekh uu yahay in colaadaha uu ka hurinayo gobolka Gedo uu ku fidiyo dalalka dariska ah, arrintaas oo halis ku ah xasilloonida gobolka, kana dhalan karta cawaaqib aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Golaha la wadaagtay siyaasadda cusub ee maaraynta qashinka magaalooyinka, iyada oo lagu saleeyay badbaadinta deegaanka iyo iyo bilicda Magaalooyinka.

0 Comments