Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa si adag u beenisay warqad qoraal ah oo lagu baahiyay baraha bulsdhada, kaa oo lagu sheegay in lagu asteeyay xilliga la qabanyo shirweyne dowlad goboleed loogu sameenayo gobolka Gedo.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in aysan jirin warqad dhankooda kasoo baxday oo la xariirta arrimaha gobolka Gediyo iyo shirweynaha maamulka lagu sameenayo ee la shaaciyay.
Wasaaraddu waxay Ummadda Soomaaliyeed
Wasaaraddu waxay Ummadda Soomaaliyeed u cadeynaysaa in ay been abuur tahay Warqaddan, lagana fogaado wararka marin habaabinta ah ee abuuri kara xasilllooni darro” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Warqada la baahiyay ee hadda beenisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha in iyaga kasoo baxday, ayaa lagu iclaamiyay in 10-ka bishan uu furmayo shir looga arrinsanayo dhismaha maamul goboleed u gaar ah gobolka Gedo, si gobolkaasi looga jaro maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
0 Comments