Tababaraha xulka qaranka Kubadda cagta ee Soomaaliya
Tababaraha xulka qaranka Kubadda cagta ee Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa heshiis cusub oo laba sano ah la galay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.
Heshiiska wuxuu dhigayaa in Rachid Lousteque uu layliyo kooxda qaranka ilaa iyo 2025. 5 Luulyo 2022 ayuu heshiis hore ula galay xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda cagta.
Taariikhdii tababarenimo ee Rachid Lousteque Tababarahan
Taariikhdii tababarenimo ee Rachid Lousteque Tababarahan u dhashay dalka Morocco wuxuu leeyahay taariikh 10 sano ka badan oo xagga tababarenimada ah. Wuxuu soo tababaray: 1 kooxda Wydad Athletic Serghini intii u dhaxaysay 25 Maarso 2021 ilaa 01 Agoosto 2021 2 Olympique khouribga oom uu sii haye tababare u ahaa intii u dhaxaysay 30 Nofembar 2019 ilaa iyo disembark 17, 2019.
3 Isla kooxdaas Olympique Khouribga ayuu kaaliye tababare ka ahaa 11 Febraayo 2019 ilaa 20 Nofember 2019. 4 Hore wuxu u soo tababaray kooxda Union sale bishii Luulyo 2018 laakinse ma cadda goortii uu ka tegey.
5 01 Maarso 2017 ilaa Luulyo 2017 wuxuu tababare xagga jirka ah u soo noqday kooxda E l-Mansour. 6 Muddo sannad ka badan wuxuu tababare buuxa u noqday kooxda Union Touarga, waa muddadii u dhaxaysay Janaayo 01, 2013 ilaa iyo Luulyo 01, 2014. 7 Xilli la rumaysan yahay inuu ka mid ahaa 2012 ilaa iyo Janaayo 01, 2013 wuxuu kaaliye tababare u so noqday kooxda RS Berkane
8 Kooxda Stade Morocain ayuu ayadana u soo noqday tababare 1 Janaayo. Cayaaraha lagu xusuusto ee uu hogaaminayey tababare Rachid Lousteque xulka qaranka Kubadda cagta ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa cayaartii Soomaaliya 1 – 0 looga badiyey oo Tanzania ay lugtii hore badisay 23 Luulyo 2022, iyo lugtoo labaad oo sidoo kale Tanzania ay ku badisay 2 – 1, isla bishaas 30-keedi.
Aqoontiisa cayaaraha
Rachid Lousteque waa 51 jir, wuxuuna haystaa shahaadada labaad ee jaamacadda ee tababarka cayaaraha iyo sare u qaadidda xirfadda, taasoo uu sameeyey 2017 – 2019 sida ku xusan taariikh nololeedkiisa. Wuxu kaloo haystaa Rachid Lousteque shahaadada kooraska tababarka oo uu ka qaatay Maamoura national center, Morocco 2010 – 2011.
Wuxuu kaloo koorasyo iyo tababarro isugu jira shahaadooyin iyo diploma ku sameeyey dalkiisa Morocco iyo dalalka Jarmalka iyo Britain.
1983 -1989 wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii heerka hoose ee carruurta ahayd ee naadiga OCK. Wuxuu kubadda cagta naadiyada u soo cayaarayey ilaa iyo 1995. Qaar ka mid ah guulihii uu gaaray1993 – 1994 wuxuu ku guulaystay tartanka Tadla football league championship. 1998 – 1999 wuxuu ku guulaystay koobka horyaalnimada naadiyada hoose ee Tadla ee magaalada Agadir.
2003 – 2004 wuxuu ku guulaystay cayaartii rubuc dhamaadka ee koobka boqortooyada. Dhamaanba cayaarahaas uu guulaha ka gaaray wuxuu waday kooxo uu siyaabo kala duwan tababare ugu ahaa. Wuxuu si fiican ugu hadlaa luqadaha Carabiga iyo faransiiska, wuxuuna aqoon fiican u leeyahay luqadda Ingiriiska.
Rachid Lousteque aqoonta tababarenimo marka laga yimaado wuxuu wax ka yaqaan sida qofka looga dhiso maskaxda.
Hore waxaa u jiray tababareyaal Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo xulka qaranka ee Soomaaliya soo layliyey, laakinse Rachid Lousteque waa tababarihii ugu horreeyey ee ajnabi ah ee mar labaad loo kordhiyo heshiiska uu ku tababarayo xulka qaranka ee Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa in cayaartoyda Soomaaliya uu gaarsiiyo heer ay guulo wax ku ool ah ka soo hoyn karaan tartamada caalamiga.
0 Comments